Miyuu Christopher Nkunku Mar Kale U Ciyaari Doonaa Chelsea? Mauricio Pochettino Ayaa Ka Jawaabay.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuusan wali haysan waqti uu Christopher Nkunku ku soo laabanayo tababarka laakiin uu rajaynayo inuu wali qayb u ciyaari karo Chelsea ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 52 milyan ugu soo biiray chelsea ayaa ayaa klaiya 9 kulan u ciyaaray kooxda isaga oo ku dhibaatoonaya dhaawacyo joogto ah.

Markii la weydiiyay haddii Nkunku ay u badan tahay inuu mar kale ciyaari karo xilli ciyaareedkan Pochettino ayaa ku jawaabay”Ma garanayo, ma aqaano. Weli ma garanayno”.

Xiddiga ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan waxana uu haatan garoomada ka maqan yahay muddo kadib markii uu mar kale dhaawacmay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga