Mikel Arteta Oo Sheegay Wakhtiga Lagu Kala Bixi Doono Tartanka Premier League.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in tartanka horyaalka ee u dhexeeya kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Manchester City la go’aamin doono maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka.

Tartanka horyaalka ayaa ah midkii ugu adkaa isla markaas isugu dhawaa ee taariikhda horyaalka premier League.

Saddexda kooxood ayaa kaliya 3 dhibcood u dhexaysaa iyada oo Liverpool hogaaminayso horyaalka premier League.

“ani waa heerkii oo waxa uu ahaa heerka horyaalkan lixdii ama todobadii sano ee la soo dhaafay”ayuu Arteta yidhi.

“Waxa la kala hooseeyaa dhibco aad u yar waxana la siiban karaa kulan kasta hadii aad ka faa’iidaysan waydo fursadaha”.

“Waxa aan qabaa in maalinta ugu dambaysa la kala bixi doono horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga