Mikel Arteta Oo Shaaciyay Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Kala iibsiga Kooxdiisa

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa rajo ka qaba in dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee Gunners uu “kor u kici doono” toddobaadyada soo socda iyadoo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay sugeyso saxiixeedii uGu oreeyay ee xagaaga.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad ku dhamaystay kaalinta 2-aad iyada oo u tartantay ku guulaysiga horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin wali ma samayn wax saxiix ah.

Arteta ayaa taageerayaasha kooxdiisa u sheegay in ay kooxdu dhaq-dhaqaaq samayn doonto maalmaha soo socda.

Mar wax laga waydiiyay sida uu u rajaynayo saxiixyada cusub e kooxda ayuu Arteta yidhi”Waxa aan filayaa in xiddigaha imanaya kooxda Iyo kuwa tagaya ay bilaaban onaan si aan kooxda u horumarino”.

“Waxa aan filayaa in ay kooxdu bilowdo qorshaha todobaadyada soo socda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga