Merson Oo Wal-Wal Ka Muujiyay Arsenal Xilli Ciyaareedka Dambe.

Paul Merson ayaa shaaca ka qaaday inuu ka walwalsan yahay Arsenal xilli ciyaareedka soo socda.

Inkastoo ay badisay 25 ka mid ah 35-kii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan, islamarkaana ay aruursadeen 80 dhibcood, Arsenal ayaa ku fashilmi karta ku guulaysiga horyaalka.

Gunners ayaa gaari doonta 89 dhibcood hadii ay badiso seddexdii kulan ee ugu danbeysay laakiin koobka Premier League ayaa ku jira gacanta Manchester City, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay ku dhameysan doonto 91 dhibcood hadii ay badiso kulamada u harsan.

Man City ayaa Arsenal ku garaacday horyaalka ixlli ciyaareedkii hore, Merson ayaana rumaysan in ay Arsenal lumisay horyaal kale.

“Waa in cadaalad laga hadlo, Arsenal waa in ay badiso kulamada u dhiman, waxa ay aadeen Tottenham wayna badiyeen”ayuu Merson yidhi.

“Waxa iga wal-walinaya aniga ayaa ah in ay Arsenal badiso 3-da kulan ee u dhiman laakiin ay ku guulaysan waayaan horyaalka, ma garanayo in ay saamayn xun ku yeelan doonto qalbiga kooxda xilli ciyaareedka dambe”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga