Kabtanka xulka Faransiiska Kylian Mbappé ayaa hoggaanka u qabtay tartanka Kabta Dahabka (Golden Boot) ee Koobka Adduunka 2026.
Mbappé ayaa dhaliyay laba gool kulankii kaalinta saddexaad, inkastoo Faransiisku looga adkaaday England 6-4 habeenkii Sabtida.
Natiijadaas ayaa ka dhigtay Mbappé inuu tartanka ku soo gabagabeeyo 10 gool iyo 4 caawin (assists).
Mbappé ayaa hadda ka horreeya kabtanka Argentina Lionel Messi, kaasoo haysta 8 gool iyo 4 caawin.
Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa weli haysta fursad uu ku kordhin karo tiradiisa goolasha iyo caawinta, maadaama uu Axadda la ciyaari doono Spain kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.
Tartanka Kabta Dahabka (Golden Boot)
- Kylian Mbappé (France) – 10 gool, 4 caawin
- Lionel Messi (Argentina) – 8 gool, 4 caawin
- Jude Bellingham (England) – 7 gool, 1 caawin
- Erling Haaland (Norway) – 7 gool
- Ousmane Dembélé (France) – 6 gool, 2 caawin
- Harry Kane (England) – 6 gool, 1 caawin
- Mikel Oyarzabal (Spain) – 5 gool, 1 caawin
Be the first to comment