Mamardashvili Oo Fariin U Diray Alisson.

Goolhayaha Liverpool, oo amaah ku jooga Valencia, Giorgi Mamardashvili, ayaa digniin u diray goolhayaha Reds, Alisson Becker, kaasoo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Liverpool ayaa la soo wareegtay goolhayaha reer Georgia ee Giorgi Mamardashvili suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Mamardashvili ayaa loo qorsheeyay inuu ku biiro Reds xilli ciyaareedka soo socda, ka dib marka uu dhamaado wakhtigiisa amaahda ah ee Valencia.

Mamardashvili ayaa hadal uu siinayay Channel-ka Koowaad ee Georgia ku yidhi:”Waxa i soo jiitay mashruuca Liverpool markii ay wakiilada kooxdu ii soo bandhigeen”.

“Waxa aan u dagaalmi doonaa booska 1-aad ee Liverpool xitaa hadii uuna Alisson ka tagin kooxda”.

Liverpool ayaa qorshaysay in ay Mamardashvili ka dhigto dookha 1-aad ee Goolka xilli ciyaareedka soo socda maadama Alisson la filayo in uu kooxda ka tago.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga