Halyeeyga Bayern Munich iyo xulka Jarmalka, Lothar Matthäus, ayaa aaminsan in weeraryahanka Paris Saint-Germain Ousmane Dembélé uu yahay musharraxa ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or 2026.
Matthäus ayaa sheegay in Dembélé uu leeyahay fursad weyn oo uu ku qaado Ballon d’Or-kiisii labaad oo xiriir ah, maadaama uu PSG kula guuleystay UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore. Sida uu sheegay, guushaas ayaa Dembélé ka dhigeysa ciyaaryahanka ugu horreeya tartanka.
Dhanka kale, Matthäus ayaa meesha ka saaray fursadaha Kylian Mbappé iyo Rodri ee ku guuleysiga abaalmarintan sannadkan. Wuxuu sheegay in inkastoo Rodri uu hoggaamin weyn ku lahaa xulkiisa oo ku guuleystay Koobka Adduunka, uusan rumeysneyn inuu qaadi doono Ballon d’Or.
Isagoo ku qorayay wargeyska Sky Sports, Matthäus wuxuu sheegay in waxqabadka guud ee xulka Spain uu ka dhigay tartanka Ballon d’Or mid aad u furan, balse Dembélé uu ka horreeyo musharraxiinta kale sababtoo ah guusha Champions League ee PSG.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in inkastoo Kylian Mbappé uu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya Koobka Adduunka, haddana uusan wax koob ah la qaadin Real Madrid xilli ciyaareedkan. Sidaas darteed, Matthäus wuxuu sheegay inuu la yaabi doono haddii Mbappé ku guuleysto Ballon d’Or.
Matthäus ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay xiddiga Bayern Munich Michael Olise, isagoo sheegay inuu sameeyay xilli ciyaareed cajiib ah kadib markii uu noqday ciyaaryahanka bixiyay caawinta ugu badan Bundesliga iyo Koobka Adduunka.
Ugu dambeyn, halyeeyga Jarmalka wuxuu xusay in Olise iyo Harry Kane, oo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Bundesliga, ay Bayern Munich kula guuleysteen labo koob isla markaana ay gaareen afar dhammaadka Koobka Adduunka, taasoo ka dhigeysa inay iyaguna ka mid yihiin ciyaartoyda mudan in la xuso tartanka Ballon d’Or.
Be the first to comment