Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyay in Alexis Mac Allister uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee xulka ka hor kulanka Salaasada ee Colombia.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool ayaa laga saaray tababarka isbuucii hore, iyadoo la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin nooca dhaawaca.
Markii la weydiiyay xaalada xiddiga Scaloni ayaa meesha ka saaray cabsida taageerayaasha Liverpool isaga oo sheegay in uu xiddiga 25 jirka ah taam yahay kuna soo laabtay tababarka buuxa.
“Kooxdu way fiicantahay, Alexis waxa uu ku jiraa tababarka buuxa ee kooxda”ayuu Scaloni yidhi.
Ma jiro go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Mac Allister ee kulanka Colombia.
“Waan arki doonaa sida uu uga kabsado xaalada maalmaha soo socda wali go’aan maanu gaadhin”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment