Lamine Yamal: “Haddii France ay Cid Ka Baqayso, Waa Annaga”

Weeraryahanka garabka uga ciyaara xulka Spain, Lamine Yamal, ayaa sheegay in xulka France uu ka cabsi qabo Spain ka hor kulanka afar-dhamaadka Koobka Adduunka 2026.

Yamal ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu soo bandhigay ciyaar heer sare ah oo uu ku mutaystay abaalmarinta Xiddiga Garoonka, kaddib guushii Spain ay ka gaartay Belgium wareegga siddeedda kooxood fiidnimadii Jimcaha.

Guushaas ayaa xaqiijisay in La Roja ay u gudubto afar-dhamaadka, halkaas oo ay Talaadada ku wajihi doonto xulka France, iyadoo labada dhinac ay ku loollamayaan booska kama dambaysta tartanka.

Xulka France, oo uu hoggaamiyo kabtankooda Kylian Mbappé, ayaa dhammaan kulamadii uu ciyaaray tartankan ku soo adkaaday waqtigii caadiga ahaa, taasoo muujinaysa awooddooda iyo joogtaynta qaab ciyaareedkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Spain ayaa kalsooni weyn qabta, maadaama ay France laba jeer oo xiriir ah uga badisay kulamadii ugu dambeeyay ee ay isaga hor yimaadeen.

Yamal ayaa si kalsooni leh u yiri:

“Waxaan u maleynayaa in haddii France ay cid ka baqayso, ay tahay annaga. Annaga ayaa horay uga reebnay tartamada.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga