WARBIXIN:Kooxaha Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Euro 2024 Oo La Soo Saaray

Waxa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona tartanka Euro 2024 oo lagu qaban doono dalka Germany.

Xiddigo badan iyo xulal badan ayaa ku dagaalami doona ku guulaysiga koobka ugu qiimaha badan qaarada.

Sidoo kale kooxaha kala duwan ayaa si dhaw isha ugu hayn doona tartanka Euro 2024 maadama ay xiddigo uga qayb galayaan.

Kooxaha Ma City iyo Inter Milan ayaa xiddigaha ugu badan ku lahaan doona tartanka Euro 2024 iyada oo ay 13 xiddig oo kooxdooda ah ka qayb gali doonaa.

Waxa ku xiga kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo PSG oo ay min 12 xiddig uga qayb gali doonaan tartanka.

Waxa ku xiga kooxaha Bayern Munich iyo RB Leipzig oo ay min 11 xiddig uga qayb gali doonaan.

Waxa ku xiga kooxaha Arsenal iyo Leverkusen oo ay min 10 xiddig uga qayb gali doonaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga