Kooxaha Ay Arsenal Iyo Man City Ku Beegmayaan Wareegga 16ka Champions League Iyo Sababta Ay Gunners U Walaacsan Tahay

Arsenal oo ka walaacsan inay af-libaax gasho iyo Manchester City ayaa kasoo hadhay kooxihii Ingiriiska ahaa ee ka qayb-galay tartanka Champions League, iyadoo ay hadheen Manchester United iyo Newcastle Untied oo xataa waayey boosaskoodii Europa League, sidaasna kaga hadhay tartamada Yrub oo dhan.

United waxay 18 dhibcood oo suurtogal ahaa ka heshay 4 kaliya, sidoo kalena waxa laga dhaliyey 15 gool, iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee tiro goolal intaas le’eg laga dhaliyo wareegga group-yada Chamions League.

Newcastle United waxay iyaduna 18 dhibcood oo suurtogal ahaa ka heshay 5 kaliya, halka Borussia Dortmund ay yeelatay 11 dhibcood, sidoo kalena PSG oo u gudubtay wareegga 16ka iyo AC Milan oo Euroa League u dhacday ay iyaguna min siddeed dhibcood heleen.

Arrintan ayaa ka dhigan in Ingiriisku ay laba kooxood oo kaliya ku leeyihiin 16ka naadi ee usoo gudbay wareegga 16ka Champions League oo isku aadkiisa la samayn doono maalinta Isniinta.

Kooxahee ayay Arsenal iyo Man City ku beegmi karayaan wareegga 16ka?

Isku-aadka wareegga 16ka Champions League waxa uu u qaybsanaanayaa laba Dheri oo kooxaha la kala gelin doono, waana kuwii kusoo baxay kaalinta 1aad oo tiradoodu tahay 8 oo aan loo ogolayn inay iyagu isku dhacaan iyo 8 kale oo kusoo baxay kaalmaha 2aad oo iyagana aan la ogolayn inay isku dhaceen, balse waxa si toos ah afka la iskaga gelinayaa labada dheri.

Waxa kale oo uu sharcigu diidayaa in kooxo kasoo wada-baxay hal group ay isku dhacaan, halka uu sharcigu mamnuucayo in wareegga 16ka ay wada ciyaaraan kooxo hal waddan kasoo wada jeeda.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa waxa ay walaac kusii abuurayaan Arsenal oo ay u sheegeen in ay filayo saddexda kooxood ee Inter Milan, PSG iyo Napoli midkood, inkasta oo kooxaha ay ku dhici karayaan ay intaas ka badan yihiin.

Waa kuwan kooxaha ay ku dhici karayaan Arsenal iyo Man City

  • Arsenal: Copenhagen, Napoli, Inter Milan, Lazio, PSG, RB Leipzig, Porto.
  • Man City: Copenhagen, PSV, Napoli, Inter Milan, Lazio, PSG, Porto.

Waqtiga la ciyaarayo wareegga 16ka Champions League

Kulamada lugta hore waxa la dheeli doonaa laba usbuuc oo isku xiga, luga labaadna sidaas oo kale, iyadoo labada bilood ee February iyo March loo kala muddeeyey.

Lugta koowaad: 13/14/20/21 February 2024

Lugta labaad: 5/6/12/13 March 2024

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga