Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Salah, Miyuu Diyaar U Yahay Kulanka Brentford.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga kooxdiisa ugu fiican ee Mohamed Salah ka hor kulanka Brentford.

Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Mohamed Salah si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa isla markaas diyaar u yahay kulanka Sabtida.

Kooxda Liverpool ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Brentford kulan ka tirsan premier League.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mohamed Salah waxa uu ku soo laabtay tababarka buuxda”.

“Waxa uu diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Brentford”ayuu sii raaciyay.

Klopp oo sii wada warbixinta kooxdiisa ayaa yidhi”Konate waa soo laabtay, Gomez waa soo laabtay, Conor Bradley waa so laabtay, Alisson waa soo laabtay sidaas darteed waa war fiican”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga