Juventus Oo Heshiis Is-Dhaafsi Ah U Soo Bandhigaysa Man United.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Juventus ayaa wali ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa Mason Greenwood xagaagan Man United.

Bianconeri ayaa ka cago jiideysa inay bixiso dalabaadka Red Devils oo ah lacag ku dhow 35 milyan ilaa 40 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga.

Taa baddalkeeda, Juventus ayaa qorsheyneysa inay Heshiiska ku darto xiddiga Federico Chiesa si ay u hesho xiddiga Greenwood.

Chiesa ayaa lagu soo waramayaa in ay aad u xiisaynayo in uu isaa tago Talyaaniga si uu ua ciyaaro horyaal kale.

Xiddiga ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Juventus Waxa uu dhaliyay 10 gool 37 kulan oo uu u saftay Bianconeri xilli ciyaareedkii hore.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga