John Terry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Halyeeyga kooxda Chelsea John Terry ayaa saadaaliyay in ay Man City ku guulaysato premier League isla markaas Arsenal ku dhamaysan doonto kaalinta 3-aad.

City iyo Arsenal ayaa ku tartamaya horyaalka premier League iyada oo Gunners haatan 6 dhibcood ka horayso Man City oo 2 kulan u dhimantahay.

Hadii ay Man City badiso 2-da kulan ee u dhiman waxa ay hogaanka kala wareegi doontaa kooxda Arsenal.

“Hadii aan saadaaliyo waxa aan filayaa in ay Man City ku dhamaysan doonto kaalinta 1-aad”ayuu Terry Yidhi.

“Kaalinta 2-aad waxa aan u saadaalinayaa kooxda Arsenal halka ay Liverpool ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga