Jamie Carragher Oo U Digay Liverpool Ka Hor Kulanka Man United.

Jamie Carragher ayaa uga digay Liverpool doorka Old Trafford ka hor safarkooda Manchester United isbuucaan.

Hogaamiyayaasha Premier League ayaa u safri doona Manchester galabnimada Axada iyagoo rajeynaya inay hogaanka sii haystaan horyaalka premier League.

Liverpool oo doonaysa inay ku guulaysato horyaalka xili ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp ee Anfield ayaa laba dhibcood ka horeeya Arsenal halka ay saddex dhibcood ka sarayso Manchester City iyada oo ay siddeed kulan ka hadhsan tahay.

Dhanka kale, United ayaa ku jirta kaalinta lixaad iyagoo badiyay hal kulan shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana habeenkii Khamiista ay guuldaro 4-3 ah kala kulmeen Chelsea.

In kasta oo ay farqiga dhibcaha weyn u dhexeeyaan kooxaha, Carragher ayaa uga digay kooxdiisii ​​hore inay ku qanacsan yihiin ka hor kulanka axada, wuxuuna ku adkaystay in Old Trafford uu yahay mid ka mid ah garoomada ugu adag marka ay Liverpool ku ciyaarayso.

Markii ugu dambeysay ee Liverpool ay booqato Masraxa Riyada – wax ka yar bil ka hor waxa looga badiyay 4/3 iyaga oo laga reebay koobka FA Cup-ka.

“Waxaa jira laba garoon oo kubbadda cagta adduunka ah kuwaas oo ah kuwa ugu adag ee ciyaartoy Liverpool ah”ayuu Carragher u sheegay Telegraph.

“Mid waa Old Trafford ka kalena waa Goodison Park waana kulamo aad u adag kuwaas oo saamayn kara tartanka Liverpool ee horyaalka”.

“Old Trafford waa mid ka mid ah garoomada aad dareemayso culayska taariikhda isla marka ay ciyaartu bilaabato, aad dareento”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga