Imisa Dhibcood Ayay U Baahantahay Leverkusen Si Ay Ugu Guulaysato Bundesliga.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hogaamiyo Xabi Alonso ayaa sii wada wacdaraha ay ka dhigaysay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Leverkusen ayaa leh 70 dhibcood 26 kulan oo ay ciyaartay waxana ay 10 dhibcood ka horaysaa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Bayern Munich.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa kaliya u baahan 8 dhibcood 8 kulan ee uga dhiman horyaalka si ay ugu guulaysato horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Bayer Leverkusen ayaa kaliya u baahan in aan laga badin 8 kulan ee u dhiman si ay ugu guulaysato horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga