Ian Wright Oo Magacaabay Xiddig Arsenal U Dhalin Doona Goolka Guusha Final-ka Champions League.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright, ayaa saadaaliyay in Mikel Merino uu dhalin doono goolka guusha ee Arsenal kulanka finalka UEFA Champions League ay la ciyaarayso Paris Saint-Germain.

Wright ayaa sheegay in sheekada Merino ay u muuqato mid loo qorsheeyay, gaar ahaan kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac.

Intii uu kasoo muuqday barnaamijka The Overlap, Merino wuxuu qirtay in finalku noqon doono kulan aad u adag maadaama PSG ay tahay koox awood badan.

Wuxuu sheegay in Arsenal aysan ka fogeyn heerka PSG, isla markaana ay rajo weyn ka qabaan inay guul gaaraan Sabtida, May 30.

Merino wuxuu yiri:“Waxaan ognahay inay noqon doonto ciyaar aad u adag. PSG waa koox cajiib ah. Laakiin annaguna waxaan kalsooni ku qabnaa awooddeena. Sidaas darteed waxay noqon doontaa ciyaar adag oo isku dhow, waxaana rajaynaynaa inay annaga noo roonaato.”

Ian Wright ayaa si degdeg ah ugu jawaabay isagoo sheegay inuu dareemayo “tamarta goolka guusha” ee Merino.

Wright wuxuu yiri:“Waxaan kaa dareemayaa tamarta goolka guusha! Waxaan dareemayaa sheekadu sida ay u socoto! Waxaad la kulantay dhaawacyo. Kadib waad soo laabanaysaa dhammaadka, boom — goolka guusha! Halkan ayaad markii ugu horreysay ka maqasheen!”

Xilli ciyaareedkii hore, Arsenal waxaa semifinalka Champions League kaga adkaatay PSG, iyadoo kooxda reer France ay ugu dambeyn qaaday koobkeedii ugu horreeyay ee Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga