Havertz: Waxa Aan Noqon Doonaa Taageeraha Ugu Weyn Ee Tottenham, Halkan Arin Ayaa Sabab U Ah

Xiddiga Arsenal Kai Havertz ayaa sheegay inuu noqon doono ‘taageerihii ugu weynaa ee Tottenham abid’ marka Spurs ay wajahdo Manchester City habeenka Salaasada.

Havertz ayaa ka caawiyay Arsenal inay 1-0 kaga badiso Manchester United Axadii iyadoo Gunners ay isha ku hayso inay hanato horyaalkeedii ugu horeysay ee Premier League tan iyo 2004tii.

Arsenal ayaa Aad u doonaysa in ay kooxda Tottenham u gasho abaal weyn Marka ay laba maalin gudohood la Ciyaari Doonto Man City.

Kooxda Mikel Arteta ayaa hogaanka horyaalka ku haysa 86 dhibcood waxana u hadhsan hal kulan oo horyaalka ah kaas oo ka dhici doona Emirates todobaadka soo socda.

Dhanka kale, City ayaa martigelin doonta West Ham maalinta ugu dambeysa ka dib safarkooda Tottenham – iyadoo kooxda difaacaneysa horyaalka ay hal dhibic kaliya ka hooseyso Arsenal xilligan.

Havertz ayaa wax Laga Waydiiyay kulanka City iyo Tottenham waxana uu yidhi”Waxaan noqon doonaa taageerihii ugu weynaa abid ee Tottenham! Waan ahaan doonnaa, markaa waa In Aan wanaag rajayno”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga