Weeraryahanka xulka Norway Erling Haaland ayaa sheegay inuu aad ugu faanayo waxqabadkii ay xulkiisu ka sameeyeen Koobka Adduunka 2026, inkastoo ay wareegga siddeedda ku harreen kadib guuldarro 2-1 ah oo waqti dheeri ah ay kala kulmeen England.
Haaland ayaa ciyaarta kaddib yiri: “Waxaan ku faraxsanahay wixii aan gaarnay iyo sida aan shacabka Norway ugu mideynay taageerada xulka. Dadkeenna waxay dareemeen farxad iyo niyad wanaagsan, sidoo kalena taageeradaas ayaa laga dareemayay tartankan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Way adag tahay inaan hadda si buuxda uga hadlo wax walba oo dhacay, sababtoo ah waxay u muuqataa wax aan la rumaysan karin. Qofku waa inuu la kulmaa waayo-aragnimadan si uu u fahmo sida ay u weyn tahay, waana tan himiladaydu mar walba ahayd.”
Weeraryahanka kooxda Manchester City ayaa caddeeyay in hammigiisu aanu ku koobnayn guulo shaqsiyeed, isagoo yiri: “Waxaan rabaa inaan Norway ka dhigo xul si weyn looga yaqaan kubadda cagta dunida, isla markaana qof walba uu noo arko mid ka mid ah xulalka ugu wanaagsan caalamka.”
Haaland ayaa sidoo kale sheegay: “Waxaan aaminsanahay inaan Norway gelinnay khariidadda kubadda cagta adduunka, waxaana hadda qof walba ogyahay awoodda uu leeyahay xulkan.”
Ugu dambeyn, Haaland ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Jude Bellingham, isagoo yiri: “Real Madrid iyo England nasiib ayay u leeyihiin inay haystaan Jude. Qof walba wuxuu jeclaan lahaa inuu kooxdiisa ku haysto Jude Bellingham, waana mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dunida.”
Be the first to comment