Goolhayaha Man City Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Brazil Ee Copa America

Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa laga saaray xulka Brazil ee ka qeyb galaya xagaagan Copa America Kadib dhaawac Isha ah Oo Soo gaadhay.

30-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu baxo qeybtii labaad ee guushii 2-0 ee ay City ka gaartay Tottenham Premier League horaantii bishaan ka dib markii ay isku dhaceen Cristian Romero.

Goolhayaha ayaa markii dambe laga saaray inta ka dhiman xilli ciyaareedka kooxda Pep Guardiola.

Goolhayaha ayaa ka mid ah Goolhayaasha ugu Fiican xilli ciyaareedkan waxana uu Kooxdiisa kula guulaystay horyaalka premier league.

Ederson ayaa markii hore lagu daray 23-ka ciyaaryahan ee ku meel gaarka ah ee uu u magacaabay tababaraha Brazil Dorival Junior xagaagan Copa America 10-kii May laakiin hadda waxaa bedelay goolhayaha Sao Paulo Rafael.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga