Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa si maldahan u sheegay inuu doonayo Casemiro inuu sii joogo dhamaan xilli ciyaareedka 2024-25 iyadoo la sheegayo in la iibin karo horaanta suuqa January.
32-sano jirkaan ayaa mar kale si weyn loo hadal hayay labadii todobaad ee soo socday sabab la xidhiidha laba khalad oo uu sameeyay guuldaradii ay Man United kala kulantay kooxda Liverpool.
Casemiro ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii dambe bilowgeedii waxana si weyn loo hadal hayay in uu isaga tagi karo kooxda suuqa January.
Si kasta ha ahaatee Ten Hag ayaa ku adkaystay in uu xiddiga Casemiro doonayo in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka oo dhamaystiran.
“Xaqiiqdii waad u baahan tahay isaga, hubaal. Dabcan waan kala hadlayaa isaga xaaladda. Qof kasta wuu khaldami karaa”ayuu yidhi.
“Isaga [Casemiro] waxa uu leeyahay khibrad, xirfadiisa ma ahan markii ugu horaysay ee uu khalad galay sidaas darteed waa in uu ka boxo xaaladan”.
Be the first to comment