Barcelona ayaa bandhig cajiib ah ka sameysay garoonka Mestalla, kaddib markii ay 5-0 ku garaacday Valencia, kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee horyaalka La Liga xilli-ciyaareedka 2026/27, Kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta, iyadoo shabaqa Valencia ka dhalisay shan gool, taas oo Barcelona u sahashay inay sii xoojiso hoggaankeeda horyaalka.
Barcelona ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqaddii 6-aad, kaddib kubbad uu soo dhigay Fermín López, taas oo gaartay Lamine Yamal, Xiddiga reer Spain ayaa gudaha xerada ganaaxa si farsamo leh ugu dhammeystiray fursadda, isaga oo Barcelona u dhiibay hoggaanka ciyaarta.
Daqiiqaddii 9-aad ayay Barcelona mar kale shabaqa taabatay. Fermín López iyo Lamine Yamal ayaa markale isku xiray, Yamal ayaana dhaliyay gool kale, balse VAR ayaa meesha ka saartay sababo la xiriira offside, Barcelona ayaa sii wadatay cadaadiskeeda, waxaana daqiiqaddii 23-aad goolka labaad u dhaliyay Fermín López.
Goolka ayaa yimid kaddib markii Anthony Gordon uu kubadda u soo dhigay Fermín, kaas oo si wanaagsan u dhameystiray fursadda, Fermín ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu firfircoon Barcelona qeybtii hore ee ciyaarta.
Daqiiqaddii 28-aad, Hansi Flick ayaa lagu qasbay inuu sameeyo beddel aan qorshaysnayn, kaddib markii Eric García uu dhaawac kasoo gaaray madaxa kadib isku dhac dhex maray isaga iyo saaxiibkiis Rodri, Eric García ayaa ciyaarta laga saaray, waxaana booskiisa galay Jules Koundé.
Markii qeybtii labaad la bilaabay, Barcelona ma aysan yareyn weerarkeeda, Daqiiqaddii 50-aad, Raphinha ayaa dhaliyay goolka saddexaad, kaddib karoos uu soo diray Fermín López oo ciyaar heer sare ah ku jiray, Goolkaasi wuxuu Valencia geliyay xaalad aad u adag, iyadoo Barcelona ay si joogto ah u abuureysay fursado.
Barcelona ayaa goolasha sii wadatay, daqiiqaddii 80-aad, Pedri ayaa dhaliyay goolka afaraad, waxaana xigay Lamine Yamal oo daqiiqaddii 85-aad dhaliyay goolka shanaad, Goolka shanaad ayaa yimid kaddib caawin uu sameeyay Dani Olmo, taas oo u sahashay Yamal inuu dhameystiro maalintiisa cajiibka ah.
Guushan weyn ayaa Barcelona siisay 12 dhibcood, iyadoo haatan fadhida kaalinta koowaad ee miiska La Liga, Dhanka kale, Valencia ayaa ku jirta xaalad aad u adag, iyadoo afar kulan kadib haysata hal dhibic oo keliya, taasoo ka dhigtay inay ku jirto kaalinta 20-aad iyo tan ugu dambeysa.
Guusha 5-0 ee Mestalla waxay Barcelona siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, balse sidoo kale waxay muujisay awoodda weerarka kooxda, Lamine Yamal, Fermín López, Raphinha iyo Pedri ayaa dhammaantood door muuqda ka qaatay guusha, halka Barcelona ay ciyaarta ku dhammeysatay shan gool oo aan wax jawaab ah laga bixin, Barcelona ayaa sidaas ku sii adkeysatay hoggaanka La Liga, halka Valencia ay wajahdo bilow aad u liita oo xilli-ciyaareedka ah.
Be the first to comment