DEG-DEG: Neymar Oo Ku Soo Baxay Liiska Xulka Brazil Ee Koobka Adduunka.

Weeraryahanka Santos FC ee Neymar ayaa lagu daray liiska ku meel gaarka ah ee 55-ka ciyaaryahan ee xulka Brazil u diyaarsan Koobka Adduunka 2026.

Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti ayaan ku darin weeraryahanka dhaawacan ee Chelsea, Estevão Willian.

Ancelotti ayaa mar walba Neymar ku darayay liisaska hordhaca ah ee xulka, balse ciyaaryahanka ayaa mar kasta ka maqnaan jiray liiska kama dambaysta ah.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa si adag uga shaqeynaya inuu caddeeyo inuu taam u yahay tartanka bisha soo socota.

Sababta ayaa ah in Ancelotti uu ballan qaaday inuu “ugu yeeri doono oo keliya ciyaartoyda jir ahaan diyaar u ah.”

Inkasta oo fursaddiisa uu ku geli karo liiska ugu dambeeya ee 26-ka ciyaaryahan ay hooseyso, Neymar weli wuxuu rajo ka qabaa inuu dalkiisa u matalo tartan weyn mar kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga