DEG-DEG: Man United Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Manchester United ayaa rajeyneysa inay Everton heshiis kala gaarto Jarrad Branthwaite ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca England.

Man United ayaa suuqa u galaysa daafac dhexe waxana ay Xiddiga Everton ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaa.

Red Devils ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer England si ay ugu xoojiso daafaca dhexe.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaan wax wadahadalo ah la yeelan kooxda Everton.

Everton ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qiimayso xiddiga lacag dhan 70 milyan oo euro kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxdeeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga