DEG-DEG: Barcelona Oo Ku Dhaw Saxiixa Badalka Xavi

Waxa Soo xoogaysanaya wararka Sheegaya in kooxda Barcelona heshiis la gaadhay tababarahii hore ee xulka Germany Hansi Flick sida ay sheegataan wararku.

Barcelona ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya in ay shaqada ka caydhiyaan Xavi ka Hor xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay u dhaqaaqistan Hansi Flick maalmihii ugu dambeeyay.

Haatan idaacada Radio Catalonia ayaa sheegaysa in heshiiska uu Hansi Flick ugu biirayo Barcelona in la dhamaystiray.

Hansi Flick ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii Laga caydhiyay xulka Germany koobkii adduunka ee la Soo dhaafay.

Haatan idaacada ka Soo baxda Catalonia ayaa sheegaysa in Hansi Flick uu noqon doono tababaraha cusub ee kooxda Barcelona.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga