DEG-DEG: Arsenal Oo dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Gyökeres.

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyökeres sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Portugal.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub si ay ugu xoojiso weerarka xilli cigaareedka dambe.

Kooxda Arsenal ayaa shalay wadahadalo la yeelatay wakiilka xiddiga reer Sweden si ay ugala hadlaan ku biirista xiddiga ee kooxda.

Wargaysma Record ee ka soo baxa Portugal ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbisay Gyökeres.

Wargayska ayaa sheegay in ay Arsenal dalab 55 milyan iyo waliba 10 milyan oo guno ah miiska u saaray Sporting Lisbon.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga