Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Manchester United ayaa laga yaabaa inay horumariso xiisaha ay u qabto xiddiga reer Spain Dani Olmo ka dib markii Manchester City ay isaga baxday tartanka saxiixiisa. Qandaraaska Olmo ee RB Leipzig ayaa lagu bur-burin karaa 50 milyan oo euro (Caughtoffside).
Man Utd ayaa sidoo kale war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa Matthijs de Ligt, kaasoo Bayern ku wargaliyay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford (Sky Sport Germany).
Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada daafaca garabka ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, kaasoo sidoo kale ay doonayaan Arsenal, Manchester City iyo Real Madrid. Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa ayaa qiimihiisu yahay 34 milyan (BILD).
Paris Saint-Germain ayaa dalab 200 milyan euro ah ka gudbisay labada ciyaaryahan ee Napoli Victor Osimhen iyo Khvicha Kvaratskhelia, laakiin kooxda Ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ayaa diiday dalabkaas (Corriere dello Sport).
Barcelona ayaa siin doonta Nico Williams heshiis shan sano kaas oo kor loogu qaadi doono mushaharkiisa kooxda (Mundo Deportivo).
Bologna ayaa kaliya ka iibin doonta Riccardo Calafiori Arsenal hadii Gunners miiska saarto lacag dhan 42 milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah halka uu dalabka Arsenal haatan yahay 40 milayn oo euro (Sky Sport Italia).
Al-Ittihad ayaa wadahadalo kula jira 32 jirka khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Casemiro (L’Equipe).
Daafaca kooxda Bayern Munich Matthijs de Ligt oo 24 jir ah ayaa doonaya inuu si degdeg ah ugu biiro Manchester United (Sky Sports).
Be the first to comment