David Raya Oo Taariikh Ka Samayn Kara Premier League Kulanka Brighton

David Raya ayaa noqday goolhayaha 1-aad ee Arsenal tan iyo markii uu xagaagii u soo wareegay London – waxaana laga yaabaa inuu galabta dhigo rikoor cusub oo Premier League ah kaasoo aan u badneyn in la jabiyo.

Goolhayaha 28 jirka ah ayaa xagaagii hore ugu soo biiray Gunners xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray Brentford, markii hore amaah isaga oo haysta fursad ay kooxda Mikel Arteta si joogto ah ula wareegto.

Raya waxa uu heshiis cusub u saxeexay Bees markii uu ku biiray Arsenal, iyadoo la bixiyay 3 milyan oo amaah ah halka ay 27 milyan bixin doonto hadii ay si toos ah ula wareegayso.

Tan iyo markii uu yimid Emirates Stadium, Raya waxa uu noqday Goolhayaha 1-aad isaga oo booska kala baxay Goolhaye Aaron Ramsdale.

Raya ayaa ilaa haatan Gunners u saftay 31 kulan tartamada oo dhan,waxana ay shabaqeeda ilaashatay ku dhawaad ​​kala badh kulamadaas.

Raya ayaan wax gool ah laga dhalin tan iyo kulankii Nottingham Forest ee Arsenal 2-1 kaga badisay City Ground dhamaadkii January.

Tan iyo markaas horyaalka Premier League, Raya ayaa shabaqeeda ilaashatay kulamadii ay ku xasuuqday West Ham United, Sheffield United, iyo Burnley.

Raya ayaa sidoo kale shabaqiisa ilaashatay kulankii Man City ee ay kooxdiisu bar-baraha gool la’aanta ah ku galeen Etihad.

Gunners ayaa caawa fiidkii u safreysa xeebta koonfureed marka ay garoonka AMEX Stadium kula ciyaarayso Brighton & Hove Albion.

Hadii aan Raya gool laga dhalin kulanka Seagulls, waxa uu noqon doonaa goolhayihii ugu horeeyay ee Isbaanish ah ee shabaqiisa ilaashada shan kulan oo xiriir ah kulamada ay martida yihiin ee Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga