Daawo: Ciyaartoy Kaadhka Cas Loogu Taagay Dabaal-Dag Adduun Kale Ka Yimid.

Xiddiga xulka qaranka IRAQ Aymen Xuseen ayaa casaanka loo taagay ka dib markii uu si xad dhaaf ah ugu dabaal degay ciyaar ka tirsaneyd koobka Asia.

Weeraryahanka ayaa xulkiisa u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 76-aad kulan ka tirsanaa wareega 16-ka ee tartanka Asian Cup oo ay la ciyaarayeen xulka Jordan.

Jordan ayaa 3/2 kaga badisay xulka Qaranka Iraq kulan xiiso lahaa oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Weeraryahanka Aymen Xuseen ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa isaga oo ku hogaamiyay soo laabasho kadib markii gool looga hor maray xulkiisa.

Kadib markii uu goolka dhaliyay xiddiga Aymen Xuseen ayaa sameeyay dabaal-dag waali ah oo keentay in loo taago kaadhka cas

Aymen Xuseen Ayaa ku dabaal-dagay isaga oo cunaya dooga garoonka taas oo keentay in xidiga 27 jirka ah loo taago kaadhka casaanka ah lagana saaro ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga