Xiddiga xulka qaranka France, Rayan Cherki, ayaa sheegay in Spain ay ka fiicnaayeen France laba dhinac oo muhiim ah intii lagu jiray kulankii semi-final-ka Koobka Adduunka 2026.
France ayaa habeenkii Talaadada 2-0 uga hartay Spain, iyadoo goolasha guusha u dhaliyay Mikel Oyarzabal iyo Pedro Porro, taasoo Spain u dirtay final-ka tartanka.
Cherki, oo u ciyaara Manchester City, ayaa sheegay in Spain ay ka sarreeyeen France dhanka ku guuleysiga kubbadaha labaad (second balls) iyo soo celinta lahaanshaha kubbadda, taasoo uu sheegay inay ahayd furaha guusha.
“Waxaan u maleynayaa inaanan ka maqneyn xalal. Waxay si fudud nooga fiicnaayeen ku guuleysiga kubbadaha labaad iyo dib u soo ceshashada kubbadda. Halkaas ayay ciyaartu ku go’aansaneyd, sababtoo ah haddii aan kubbadahaas badan ku guuleysan lahayn, waxaan ku abuuri lahayn dhibaatooyin badan,” ayuu Cherki u sheegay FIFA.
Xulka Spain ayaa haatan u gudbay final-ka Koobka Adduunka 2026, halka France ay ku hartay wareegga afar dhammaadka tartanka.
Be the first to comment