Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Weeraryahan Kale Kadib Fashilkii Olise

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la furtay weeraryahanka Lille Jonathan David.

Blues ayaa si aad ah u doonaysa in ay la soo wareegto weeraryahan cusub si uu ula tartamo xiddiga reer Senegal ee Nicolas Jackson.

Chelsea ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay dhowr bartilmaameed oo ay ka mid yihiin Jhon Duran oo Aston Villa ka tirsan iyo Samu Omorodion oo ka tirsan Atletico Madrid.

Blues ayaa la filayaa inay dalab kale u soo gudbiso Omorodion ka dib markii ay kooxda Diego Simeone soo diiday 33.8 milyan.

Inkasta oo ay doonayso saxiixa Omorodion, hadana waxa ay u muuqataa in ay raadinayso dookhyo kale Oo weerarka ah.

Blues ayaa horay loogu soo warramay inay ka mid tahay dhawr kooxood oo xiiso u muujinaya David.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Chelsea ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada David iyaga oo kala hadlay u dhaqaaqista Stanford Bridge.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga