Bayern Munich Oo Ka Hadashay Wararka Matthijs de Ligt La Xidhiidhinaya Man United.

Max Eberl, oo ah agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Munich, ayaa shaaca ka qaaday runta ku saabsan bixitaanka xiddiga reer Holland ee Matthijs de Ligt.

Ciyaaryahanka 24 jirka ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United, xagaagan, iyadoo qandaraaskiisa kooxda Bavarian uu ku eg yahay June 2027.

Eberle ayaa ku sheegay hadal uu ka yidhi Sky Germany oo ku saabsan xaqiiqada bixitaanka De Ligt: “Waxaan ka faalloon doonaa sababaha marka waqtigan uusan weli iman.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waa in aad ka fikirtaa waxa aad go’aansato iyo sida uu dareemayo wali waa ciyaaryahan Bayern Munich ah, mar walbana waan taageernaa isaga”.

Ciyaaryahanka reer Holland ayaa ka qeyb galay 30 kulan oo uu la ciyaaray kooxda Bavarian, tartamada oo dhan, xilli ciyaareedkii hore, halkaasoo uu dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka ahaa hal gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga