Athletic Bilbao OO Ka Jawaabtay Xiisaha Barcelona Ee Nico Williams

Madaxweynaha Athletic Bilbao Jon Uriarte ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aysan u baahneyn inay iibiso garabka reer Spain Nico Williams xilli uu xiiso ka helayo kooxda Barcelona.

“Nico waa ciyaaryahan kubada cagta ah oo doonaya in uu sii joogo kooxda Athletic, waxana uu xiiso xad dhaaf ah ka helayaa kooxo kale”.

“Athleic waxa aan hiigsanaysaa halka ugu saraysa, Waxaan muujineynaa inaan heysano mashruuc guul ah oo loogu talagalay ciyaartoyda kubada cagta iyo tababarayaasha”.

“Waxaan dib u cusbooneysiinay qandaraasyada ciyaartoyda ka ciyaaraya Euro Cup, sida Unai Simón ama Dani Vivian, iyo ciyaartoyda xiisaha leh sida Benat Prados, Oihan Sancet, Julen Aggirezabala ama Aitor Paredes ayaa sidoo kale saxiixay dhowr xilli ciyaareed”.

“Kooxda Athletic, way fiicantahay dhaqaale ahaan, Waxana ay awood u leedahay in aan ceshano xiddigaha kooxda oo uu ka mid yahay Nico Williams.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan in ay Barcelona heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Nico Williams.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga