Arsenal Oo War Xun Heshay Xaalada Xiddig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Final Champions League.

Arsenal ayaa wajahday dhaawac weyn kahor final-ka UEFA Champions League Final ee ay la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, daafaca reer England Ben White ma ciyaari doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii looga shakiyay dhaawac kasoo gaaray seedaha jilbaha.

White ayaa dhaawac ku baxay intii lagu jiray guushii 1-0 ahayd ee Arsenal ay ka gaartay West Ham United Axaddii.

Waxaa hadda la filayaa inuu seego kulamada Premier League ee Arsenal la ciyaari doonto Burnley iyo Crystal Palace.

Sidoo kale, lama filayo inuu taam u noqdo final-ka Champions League ee 30-ka May ay Arsenal la ciyaari doonto PSG.

Waxaa intaas dheer inuu halis ugu jiro inuu seego 2026 FIFA World Cup isagoo matalaya xulka England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga