
Arsenal ayaa wadahadalo cusub la yeelatay wakiilka Viktor Gyokeres si ay ugala hadlaan arinta suuqa kala iibsiga suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal, Manchester United, Chelsea iyo Juventus ayaa dhamaantood muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga reer Sweden xagaagan ka dib olole kale oo cajiib ah oo uu ku dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu ciyaaray, isla markaana Sporting ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalka Portugal.
Sporting ayaa u furan in ay ku iibiso Gyokeres wax ka yar 100 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Sporting, Frederico Varandas, ayaa ku weeraray Gyokeres iyo wakiilkiisa Arbacadii soo jeedinta ah in lacag go’an lagu heshiiyay ka hor suuqa.
Dhanka kale, CNN Portugal iyo wargeyska Portuguese Record ayaa sheegay fiidnimadii Arbacada in madaxda Arsenal ay la kulmeen wakiilka Gyokeres, Hasan Cetinkaya, Arbacadii waxaana hadda la filayaa dalab rasmi ah ka gudbiyaan saxiixiisa.
Waxaa la sheegay in Gyokeres uu ku wargaliyay wakiilkiisa inuu doonayo inuu ku biiro Arsenal ka hor United, Chelsea ama Juventus.
Be the first to comment