Arsenal Oo Newcastle U Sheegay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karto Isak

Newcastle United ayaa ka dalban doonta Arsenal in ka badan 150 milyan euro si ay u iibiso Alexander Isak xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.

Kadib markii ay lumisay horyaalka Premier League maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka, Mikel Arteta ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Weeraryahanka cusub ee dhexe ayaa ku jira liiska Arsenal iyadoo Isak uu bartilmaameedka 1-aad sidoo kale xiddiga Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres iyo xiddiga Brentford ee Ivan Toney.

Si kastaba ha ahaatee, The Telegraph ayaa ku warameysa in Newcastle aysan ka fikireynin iibinta Isak xagaagan, iyadoo Eddie Howe uu u tixgelinayo xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden inuu qeyb ka noqdo qorshihiisa mustaqbalka.

Wararka ayaa sheegay in ay Newcastle ku qososhay wararka Sheegaya in ay aqbali Doonto lacag dhan 90 milyan Oo euro.

Newcastle ayaa Arsenal u sheegatay in ay laba jibaarto dalabka 90 milyan ee ay Arsenal diyaarinayso.

Mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa bishii hore, Isak ma uusan bixin wax calaamad ah oo muujinaya inuu ku riixi doono u dhaqaaqista Arsenal xagaagan.

“Haa, dabcan waxaan rabaa inaan halkaan joogo mustaqbalka,” Isak ayaa yiri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga