Argentina Mise Spain? Ronaldo Nazário Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Final-ka Koobka Adduunka

Halyeeygii hore ee xulka Brazil, Ronaldo Nazário, ayaa saadaaliyay in Spain ay si fudud uga adkaan doonto Argentina kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka ee Axadda.

Ronaldo oo la hadlayay akoonkiisa rasmiga ah ee TikTok isaga iyo halyeeyga kale ee Brazil, Denílson, ayaa la weydiiyay saadaashiisa final-ka Koobka Adduunka.

Xiddigii hore ee Real Madrid iyo Inter Milan ayaa yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Spain ay guuleysan doonto, ciyaartuna ay u noqon doonto mid sahlan.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Aniga ahaan, France iyo Spain mar walba waxay ahaayeen xulalka ugu cadcad. Waxaan xasuustaa barnaamijkii ka horreeyay kulankii France iyo Spain, markaas ayaan sheegay in kooxda ku guuleysata kulankaas ay noqon doonto horyaalka.”

“Waxaan aaminsanahay in Spain ay si fudud u badin doonto, maadaama ay soo bandhigeyso kubbad cag aad u heer sarreysa. Habka ciyaarta ee Spain (DNA-geeda kubbadda cagta) kuma koobna oo keliya Koobkan Adduunka, balse waa wax ay muddo dheer ku caan baxday.”

Spain ayaa u soo baxday final-ka kadib markii ay semifinal-ka ku garaacday France, halka Argentina ay iyaduna gaartay kama dambaysta kadib markii ay ka adkaatay England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga