Alonso: Heshiiskii Aan Ugu Biiray Real Madrid Khalad Ayuu Ahaa.

Idaacadda Isbaanishka ee Cadena SER ayaa shaaca ka qaaday in tababarihii hore ee Real Madrid, Xabi Alonso, uu dareemayo nafis maadaama uusan hadda la tacaalayn dhibaatooyinka iyo xiisadaha ka dhex qarxay kooxda 48-dii saac ee ugu dambeysay.

Warbixinta ayaa sheegtay in Alonso uu dadka ku dhow dhow u sheegay in aqbalidda tababarka Real Madrid xagaagii hore ay ahayd “qalad,” sababo la xiriira jawiga cakiran ee kooxda ka jira xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa la sheegay inay shaqada ka eriday Alonso bishii Janaayo kadib markii kooxda laga qaaday koobka Spanish Super Cup oo ay kaga adkaatay FC Barcelona, go’aankaasoo saameyn weyn ku yeeshay kooxda dhinac kasta xilli ciyaareedkan.

Wararkan ayaa imaanaya iyadoo xiisad weyn ay ka dhex jirto qolka labiska Real Madrid toddobaadyadii ugu dambeeyay, kadib murano iyo isku dhacyo dhex maray qaar ka mid ah ciyaartoyda, iyo sidoo kale xiriirka u dhexeeya ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka oo xumaaday.

Kooxda boqortooyada ayaa hadda ka shaqaynaysa inay hesho tababare cusub iyadoo la filayo bixitaanka Álvaro Arbeloa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana tababaraha reer Portugal José Mourinho loo arkaa musharraxa ugu weyn ee jagadan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga