Dacwad-oogayaasha maxkamad ku taalla magaalada Paris ayaa dalbaday xukuno xabsi oo dheer oo lagu rido saddex qof oo lagu helay inay ku lug lahaayeen dhacii iyo weerarkii lagu qaaday guriga goolhayihii hore ee Paris Saint-Germain iyo xulka Talyaaniga, Gianluigi Donnarumma, Sida ay qortay L’Équipe, xeer-ilaalintu waxay maxkamadda ka codsatay in laba ka mid ah eedeysanayaasha lagu xukumo 10 sano iyo 9 sano oo xabsi ah, halka qofka saddexaad loo dalbaday 6 sano oo xabsi ah.
Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii 21-ka July 2023, xilli Donnarumma uu Paris ku noolaa isagoo u ciyaarayay PSG. Saddex nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen koox ku takhasustay dhaca guryaha dadka caanka ah iyo maalqabeennada ayaa si xoog ah ugu galay gurigiisa.
Donnarumma iyo saaxiibtiis Alicia, oo xilligaas uur lahayd, ayaa la sheegay in si xun loo weeraray ka hor inta aysan burcadda ka qaadan lacag iyo alaabooyin qaali ah. Hantida la dhacay ayaa lagu qiyaasay wax ka yar hal milyan oo euro.
Sidoo kale, warbixinnada xilligaas soo baxay ayaa sheegay in Alicia ay uurjiifkeedii wayday maalmo kadib dhacdada, taas oo dhacdada ka dhigtay mid si weyn loo hadal hayo gudaha Talyaaniga iyo Faransiiska, Xeer-ilaalintu waxay sidoo kale dalbatay ganaaxyo gaari kara 100,000 oo euro, iyadoo lagu eedeeyay labada qof ee ugu waaweyn inay qorsheeyeen weerarka, halka eedeysanaha saddexaad lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay fulintiisa.
Donnarumma iyo Alicia ayaan ka qaybgelin dhageysiga maxkamadda. Goolhayaha reer Talyaani ayaa tan iyo markaas ka tagay PSG, wuxuuna hadda u ciyaaraa Manchester City, Kiiskan ayaa mar kale soo nooleeyay xusuusta weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday qoyska Donnarumma, iyadoo xeer-ilaalintu ay maxkamadda ka dalbatay ciqaab adag oo ka dhan ah kooxdii lagu helay dambiga.
Be the first to comment