TOP NEWS: Tim Sherwood oo shaki geliyay kalsoonida Michael Carrick uu ku qabo Saxiixa 74 milyan laha ….

Manchester United's Bruno Fernandes (second left) celebrates scoring their side's first goal of the game from the penalty spot during the Premier League match at Old Trafford, Manchester. Picture date: Sunday January 19, 2025. (Photo by Martin Rickett/PA Images via Getty Images)

Tababarihii hore ee Tottenham iyo Aston Villa, Tim Sherwood, ayaa sheegay in Benjamin Šeško uusan weli ahayn weeraryahankii Manchester United u baahan tahay, isagoo sidoo kale tilmaamay in tababare Michael Carrick uusan si buuxda ugu kalsoonayn weeraryahanka reer Slovenia.

Šeško oo qiimihiisu yahay £74 milyan ayaa saddexdii kulan ee ugu horreeyay Premier League xilli ciyaareedkan ku bilowday kursiga keydka Kulankii Everton, Carrick ayaa mar kale soo geliyay qeybihii dambe ee ciyaarta, Laakiin Šeško ayaa fursaddiisa si fiican uga faa’iideystay, Markii Manchester United iyo Everton ay ciyaarayeen, weeraryahanka ayaa madax ku dhaliyay gool laba daqiiqo oo keliya ka harsan waqtigii caadiga ahaa, isagoo United dib ugu soo celiyay hoggaanka.

Nasiib darro Manchester United, Everton ayaa ugu dambeyn barbareysay, waxaana Ainsley Maitland-Niles uu dhaliyay gool cajiib ah oo 30-yard ah, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-2, Sherwood ayaa Sky Sports News ka sheegay in haddii Šeško uu yahay ciyaaryahan heerka ugu sarreeya, Carrick uu si joogto ah ugu bilaabi lahaa ciyaaraha, halkii uu kursiga keydka ka soo gelin lahaa.

Si kastaba, Sherwood wuxuu sheegay in Manchester United aysan weli u baahnayn inay argagaxdo. United waxay hadda haysataa 4 dhibcood saddex kulan kadib, waxaana kulanka xiga ee Premier League ay la ciyaari doonaan Manchester City oo horyaalka hoggaamineysa, iyadoo City ay haysato 9 dhibcood oo ka yimid saddex kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga