Waa kuma Laacibka ka badbaaday kaarka cas kadib markii uu wajiga ka laadey Goolhaye Martinez?

Arsenal ayaa 2-1 kaga adkaatay Chelsea kulan ka dhacay Emirates Stadium, iyadoo difaaca Arsenal Gabriel Magalhães uu ka badbaaday kaarka cas kadib dhacdo muran dhalisay oo uu wajiga lugtiisa kaga dhuftay goolhaye Emi Martinez, Dhacdadan ayaa dhacday qeybtii hore ee ciyaarta, xilli labada kooxood ay weli isku dayayeen inay helaan goolkii furitaanka,  Kubad uu Martin Ødegaard soo dhigay ayaa dhalisay isku dhex yaac ka dhacay xerada ganaaxa Chelsea.

Gabriel, oo dhulka kula loollamayay Jorrel Hato, ayaa isku dayay inuu kubadda cagta ku taabto isagoo dhulka yaalla, balse kabtiisa ayaa si toos ah ugu dhacday wajiga Emi Martinez, Martinez ayaa isla markiiba dhulka ku dhacay isagoo xanuun dareemaya, waxaana loo baahday in loo fidiyo daryeel caafimaad.

Inkasta oo dhacdadu ay u muuqatay mid halis ah, garsoore Chris Kavanagh ma uusan siin Gabriel wax kaar ah, VAR ayaa sidoo kale dib u eegay dhacdada, waxaana ugu dambeyn la taageeray go’aankii garsooraha ee ahaa in aan la bixin kaarka cas.

Sharaxaadda dhacdada ayaa ah in Gabriel uu isku dayayay inuu kubadda gaaro, iyadoo xiriirka wajiga Martinez uu dhacay intii uu lugta u fidinayay kubadda. Haddii VAR ay go’aansan lahayd in falkaasi ahaa ciyaar-xumo halis ah (serious foul play), Gabriel waxaa loo diri lahaa kaarka cas.

Go’aankaasi ayaa baraha bulshada iyo taageerayaasha kubadda cagta ka dhex dhaliyay dood xooggan, iyadoo dad badan ay su’aal geliyeen sababta dhacdo sidaas ah aysan u keenin wax ciqaab ah, Dhacdadan ayaa timid wax yar kadib markii Chelsea ay ciyaarta si xoog leh ku bilaabatay, Morgan Rogers ayaa daqiiqadihii hore gool qurux badan ku furay ciyaarta.

Arsenal ayaa isku dayday inay jawaab degdeg ah bixiso, waxaana gool uu dhaliyay Riccardo Calafiori markii dambe la diiday sababo la xiriira offside, Si kastaba, Gunners ayaa ka hor qeybta nasashada heshay goolka barbaraha, iyadoo Kai Havertz uu kubadda si hoose uga dhex dhaliyay Martinez.

Qeybtii labaadna Arsenal ayaa dhammeystirtay soo laabashadeeda, waxaana Martin Ødegaard uu dhaliyay goolka labaad ee kooxda, kaasoo Arsenal siiyay saddexda dhibcood, Gabriel ayaa Arsenal u ciyaaray 265 kulan tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Lille sanadkii 2020, Intii uu kooxda joogay waxaa loo taagay 32 kaar oo jaalle ah, halka laba jeer oo keliya laga saaray ciyaarta oo kaarka cas lasiiyey.

Labada kaar ee casaanka ahaa waxay ahaayeen laba jaalle oo isku ciyaar lagu siiyay, taasoo ka dhigan inuusan si toos ah ugaarka cas uga bixin ciyaar Arsenal ah, Guushii Chelsea waxay Arsenal siisay bilow qumman oo xilli ciyaareedka ah, halka Chelsea ay la kulantay guuldarradeedii ugu horreysay xilli ciyaareedkan iyadoo uu tababare u yahay Xabi Alonso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga