Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Richard Hughes uu ka tagayo xilkii agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, kaddib labo xilli ciyaareed oo uu ku qaatay gudaha Anfield, Hughes ayaa xilka agaasimaha ciyaaraha Liverpool loo magacaabay sanadkii 2024, waxaana muddadii uu joogay kooxda ay ku guuleysatay Premier League, taasoo ahayd horyaalkeedii 20-aad ee taariikhda.
Liverpool ayaa xaqiijisay in Richard Hughes uu iscasilaad ka gudbiyay xilkiisa, iyadoo wararka hadda soo baxaya ay sheegayaan inuu ku dhow yahay inuu qabto xilka agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Al-Hilal ee Sacuudiga, muddadii Hughes uu joogay Liverpool, kooxda ayaa gaartay guulo muhiim ah.
Richard Hughes ayaa fariin uu ku daabacay bogga rasmiga ah ee Liverpool kaga hadlay bixitaankiisa, wuxuu sheegay inuu sharaf weyn u ahaa inuu fursad u helo u adeegidda Liverpool, isagoo xusay inuu mar walba uga mahadcelin doono kooxda fursaddaas.
Hughes ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay milkiilayaasha kooxda, shaqaalaha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha Liverpool, kuwaas oo uu ku tilmaamay qayb muhiim ah oo ka mid ah waxa kooxda ka dhigay mid gaar ah, Hughes ayaa sidoo kale sheegay inuusan xiriirka iyo jacaylka uu u qabo Liverpool lumin doonin, inkastoo uu hadda ka tagayo xilkiisii.
Wuxuu sheegay inuu mar walba la socon doono oo taageeri doono Liverpool, isagoo kooxda iyo dhammaan dadka xiriirka la leh u rajeeyay guul xilli ciyaareedkan iyo mustaqbalka, Bixitaanka Richard Hughes ayaa hadda Liverpool gelinaya marxalad cusub oo maamulka ah, iyadoo indhaha lagu hayo cidda noqon doonta qofka beddeli doona xilka agaasimaha ciyaaraha.
Be the first to comment