YAMAL & Cabsi Cusub Miyuu seegayaa kulanka habeen dambe ee Valencia + Xog cusub

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa ka baaqday tababarkii saaka ee Sabtida, Wuxuu keliya tababar ku qaatay saalada dhinaca jirka,  Tani ayaa shaki gelisay inuu safan doono kulanka berri ay la ciyaarayaan kooxda Valencia, tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona liiska ciyaartoyda uu xushay. Waxaa aad loo sugayaa xaaladda Yamal iyo inuu ciyaartan ka qayb geli doono.

Kulanka Valencia ayaa muhiim gaar ah u leh Yamal. Ciyaartoyda kooxda ayaa u dooranaya inuu noqdo kabtanka shanaad ee Barcelona, isagoo ku xigeen u noqon doona Raphinha, Pedri, Eric Garcia iyo Frenkie de Jong.

Dhanka kale, tababare Flick ayaa helay warar wanaagsan intii uu tababarku socday, Wuxuu dib u helay Gavi iyo Gabriel Jesus. Jesus ayaa la filayaa inuu mar kale ugu soo laabto kooxda Barcelona taniyo markii uu ku biiray.

Sidoo kale, Rodri ayaa loo badinayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Valencia, iyadoo hore loo adeegsaday beddel. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee Hansi Flick.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga