Real Madrid ayaa la kulantay guuldarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka 2026/27, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Real Betis ciyaar ka dhacday garoonka La Cartuja, taasoo ka tirsanayd wareegga afaraad ee La Liga, kooxda uu hoggaaminayo José Mourinho ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, waxaana qeybtii hore ugu badnaan kubad haysashada Malaki bey aheyd , Real Madrid waxay haysatay kubadda boqolkiiba 57%, balse ma aysan awoodin inay fursadaha ay abuureen u beddelaan goolal.
Qeybtii hore ayaa ku dhammaatay 0-0, iyadoo Real Madrid ay raadineysay goolka furitaanka. Dhanka kale, Real Betis ayaa khasab ku noqotay inay isbeddel sameyso kaddib markii Diego Llorente uu dhaawacmay, waxaana booskiisa loo soo geliyay Marc Bartra, daqiiqaddii 65-aad, Mourinho ayaa sameeyay saddex beddel oo waaweyn. Eduardo Camavinga, Denzel Dumfries iyo Arda Güler ayaa ciyaarta laga saaray, waxaana lagu beddelay Bernardo Silva, Trent Alexander-Arnold iyo Yan Diomande.
Si kastaba ha ahaatee, isbeddelladaasi ma aysan keenin natiijadii uu tababaraha reer Portugal doonayay, Markii ciyaartu mareysay daqiiqaddii 81-aad, Real Betis ayaa ugu dambeyn heshay goolka furitaanka, goolka waxaa dhaliyay Troy Parrott, kaddib markii goolhaye Thibaut Courtois uu badbaadiyay kubad la soo tuuray, balse kubaddii soo laabatay ayuu Parrott si degdeg ah uga faa’iideystay, isagoo shabaqa ku hubsaday.
Real Madrid ayaa markaas si weyn u bilowday raadinta goolka barbaraha, daqiiqaddii 86-aad, Real Madrid waxay u muuqatay inay dhalisay goolka barbaraha, Vinícius Júnior ayaa kubadda u dhiibay Carlos Espí, kaasoo sameeyay gool aad u qurux badan oo uu ku dhaliyay maqas ama ama bycikle, laakiin farxaddii Real Madrid muddo dheer ma aysan socon, garsooraha ayaa la xiriiray VAR, waxaana dib loo eegay dhacdada, ugu dambeyn goolka waxaa lagu diiday offside, taasoo Real Madrid ka qaaday fursad weyn oo ay ciyaarta ku soo laaban lahayd.
Riwaayaddii ciyaarta ayaa gaartay heerkii ugu dambeeyay daqiiqaddii 92-aad, markaas oo Real Madrid loo dhigay rigoore kaddib markii Vinícius Júnior uu ku dhacay gudaha xerada ganaaxa.
Kylian Mbappé ayaa loo dhiibay mas’uuliyadda rigoore tuurista, laakiin goolhayaha Real Betis ayaa noqday geesiga waqtigaas, isagoo si cajiib ah u badbaadiyay rigooradii Mbappé, taasoo Real Madrid ka hor istaagtay inay ugu yaraan hesho hal dhibic, kaddib guuldarradan, Real Madrid waxay ku sii nagaaneysaa 9 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee miiska La Liga.
Real Betis ayaa iyaduna gaartay 9 dhibcood, waxaana ay ku jirtaa kaalinta saddexaad, guuldarradan ayaa noqotay dharbaaxo lama filaan ah oo ku dhacday José Mourinho iyo Real Madrid, gaar ahaan iyadoo kooxda ay heshay fursado ay ciyaarta ku beddeli kartay, balse gool la diiday iyo rigoore la badbaadiyay ay ugu dambeyn ka dhigeen inay garoonka ka baxdo iyadoo aan wax dhibco ah la qaadan.
Real Betis 1-0 Real Madrid — Mourinho wuxuu la kulmay guuldarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka, halka nasiibku si weyn ula safnaa kooxda martida loo ahaa.
Be the first to comment