Liverpool oo gaartay guusheedii ugu horeeyey horyaalka & ISAK oo wacdareeyey …..

Liverpool ayaa xalay guul muhiim ah ka gaartay Ipswich Town, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay garoonka Portman Road, kulan ka tirsanaa wareegga saddexaad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, xiddiga cusub ee Liverpool Alexander Isak ayaa noqday geesiga ciyaarta, isagoo labada gool ee Reds dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Isak ayaa goolkiisii ugu horreeyay dhaliyay daqiiqaddii 6-aad, kaddib weerar rogaal-celis ah oo uu bilaabay Cody Gakpo. Gakpo ayaa kubadda u dhiibay Isak, kaasoo si awood leh ugu tuuray shabaqa Ipswich, kaliya saddex daqiiqo kaddib, Isak ayaa mar kale shabaqa gaaray, Daqiiqaddii 9-aad, Gakpo ayaa markale sameeyay baas muhiim ah, Isak ayaana kubadda la cararay, difaaca dhaafay, kaddibna si wanaagsan ugu dhaliyay goolkii labaad ee Liverpool.

Isak wuxuu u muuqday inuu dhammaystiri doono hat-trick, markii uu daqiiqaddii 33-aad mar kale kubadda shabaqa geliyay. Hase yeeshee, goolkaas waxaa meesha ka saaray garsooraha kadib markii lagu sheegay inuu ku jiray offside.

Liverpool ayaa sidoo kale heshay fursad ay ku dalbato rigoore qeybtii labaad, kaddib markii Dominik Szoboszlai uu ku dhacay gudaha xerada ganaaxa. VAR ayaa dib u eegis sameeyay, balse waxaa la xaqiijiyay in Szoboszlai uu offside ku jiray, sidaas darteedna rigoore lama bixin.

Ugu dambeyn, Liverpool ayaa ciyaarta ku soo gabagabeysay 2-0, iyadoo Isak uu noqday xiddigii ugu muhiimsanaa ee guusha.

Guushan ayaa Liverpool siisay 5 dhibcood, taasoo ka dhigtay inay kaalinta shanaad ka galaan miiska Premier League, halka Ipswich Town ay weli leedahay 3 dhibcood, kuna jirto kaalinta 13-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga