Qisada hal qalad oo bur buriyey Waayihiisa kubada cagta & Laacibkii Messi gacanka utaagay oo lala ilmeeyey


Jowharad Barcelona ayka afduubatay Lyon mana aheyn ilaa bilo isagoo xiran maaliyada Barce uuku noqday wadna joojiyaha weeraryahanada kasoo horjeeda , difaacii lugta bidix ee jirkiisa xooganaa waxa uu ahaa mid aan loga adkaan kubadaha hawada , halka uuku soocnaa caqliyadiisa soo bixinta kubada & lasocodkeeda

lkn bilo kahor mundiyaalki ruushka waxa uu hortiisa ka helay 2doorasho , kan ugu macaan uu qaraar yahay, inuu qatar geliyo waayihiisa kubada cagta oo uu ciyaaro koobka dunida o uu xaqjiijin karo , ama luminta fursadaasi si uu sanado badan uga sii ciyaaro garoomada kubada cagta .

Samuel inbadan ma fekerin waxaana uu doortay kan adag isagoo helay natiijo xanuun badan oo noqtay 31 jir aan kooxna heysan oo aan la dooneynin,

warbixintan garka ah waxaan kugu soo turjumi doonaa Qisada bur burkii kubadeed Samuel Umtiti difaacii ugu fiicnaa caalamka.

Younde Caasimada dalka Cameroon ayaa marqaati ka noqotay November  sanadkii 1993 dii dhalashada Samuel Umttiti , 2 jirkiisa ayaa ladajiyey lyon ee dalka France kadib markii ay soo haajireen qoyskiisa

5jirkiisii ayuu kabilowday waayihiisa kubada cagta academiyadda Manifal mar dambe ayuu uwareegay academiyadda Lyon, halkaasi ayey ku bar baartay mowhibadiisa isagoo isu dhaafay heerarka kaduwan ee kooxda ilalaga soo gaaro 1aad.

kadib wacdareyntiisa waxa uraacday soomuuqasho wanaagsan oo xulka qaranka wadanka faransiiska ah yurihii 2016. kaasoo uufinalka lagaaray xulka diiqyada.

Barcleona ayaa go’aansatay xili ciyaareedkaasi iney lawareegto laacibka , Umttiti waxa uu yimid catalonia isagoo jira 22 sano ka ahaan difaac mowhibad leh , durbadiiba waa uu ismuujiyey isagoo helay boos joogto ah & ka bar bar ciyaarida Pique badalka mascrano  si uu usoo muujiyo awood tayo sare leh  , ha ahaadaan kubad heysashada & bixinteeda ama  kubadaha hawada & latacaamulkeeda

waxa uu tusaale u ahaa difaac dhexe ee casriga ah , darajo ahaan saaxiibadiisa Barcelona iney ugu yeeri jireen darbiga Catalonia , sidoo kale waxa munaasabado kala duwan amaanay Lionel Messi.

Xili ciyaareedkiisii ugu horeeyey kooxda waxa uu la qaaday koobka boqorka & koobka superka maxaliga, bandhigiisa shaqsi ah waxa uu ahaa mid indha daraan dar leh , lajoogitaankiisa kooxda waxa uu la guuleystay 81% kulamada , 47% kaliya ay guuleysatay kooxda marka uu kAga maqnaado sabab uun.

intaas kadib waxa yimid xili ciyaareedkii 17-2018 si uu umarqaati kaco halkiiSII ugu sareeyey ee waayihiisa kubada cagta , bandhig joogto ah & khibrad sare waxa ayka caawisay kooxda iney qabsato koobabka maxaliga ah , waqtigaasina dad badna waxa ay u arkeen difaaca ugu fiican caalamka

waxa lasaadaaliyey difaaca da’DA yar inuu sii ciyaari karo waqti dheer lkn mustaqbalka dhow waxa uu uqarinayey lamafilaano aan qurux badneyn, qeybtii 2aad ee xili ciyaareedka waxa uu la dhibaatooday xanuunka dhanka jilibka lugta bidix ah lkn waa uu adkeystay ilaa laga go’aaminayey horyaalka la ligaha , sababteedana waxa uu umaqnaa 3di kulan ee ugu dambeeyey horyaalka ,

waxa cadaatay dhaawaciisa inuu ubaahanyahay qaliin waqti loo diyaar garoobayey mondiyaalkii dunida ee 2018 taasoo lamacno ah kamaqnaasaha casuuska caalamiga ah , lkn luminta waayaha mondiyaalka ma aheyn doorasho ku jirtay qaamuuska samuel kaasoo uu go’aansaday inuu qatar geliyo waayihiisa kubada cagta  .

kadib nasiino yar & qaadashada cilaajka dabiiciga ,xanuunkiisa waa uu u adkeystay Wuuna  u arkayey iney mudantahay.

Mondiyaalka ruushka ayaa furmay Umtiti ayaa heystay safka diiqyada , lugta jilibkiisa bidix maqabin wax xanuun ah , waa uu wacdareeyey isagoo darbi ladhistay Varane intaasi kuma istaagin bal waa uuduulay semi finalka isagoo dhaliyey gool soo afjaray halgalkii dheeraa ee biljamka , kahor inta uusan wadna joojin isaga & saaxiibadiisa Croatia finalka sidaasina loogu caleemasaaray xidigta 2aad, taariikhda diiqyada,

waqtigaasi samuel waxa uu soo muuqday isagoo faraxsan oo dhunkanaya koobka,  midka qatarta uu ugeliyey waayihiisa dartii, lkn laga yaabee inuusan ogeyn xajmiga ayla egtahay waxa uu luminayo.

kadib markii si wanaagsan uu ku bilowday xili ciyaareedkii xigay 2018-2019, waxa kusoo laabtay xanuunka jilibka , waxa ku batay doorashooyinka & talooyinka ka imanayyey khubarada oo udhaxeeya inuu galiin galo ama uu siiwato cilaajkisia dabiiciga ah .

marka la eego inuusan maalinna jecleyn galida qolka qaliinka si uu uga taqaliso xanuunkiisa waxa ay tusisay qaadashada  doorashada 1aad , waxa ay sheegtay jariirada AS umtiti inuu la dhibaatoonayo Phobia kadib markii uu galay qaliin  kaga tagay dhibaatooyin markii uukatirsanaa dayarada koxoda lyon  ,  mudo 5bilood ah ayuu ka maqnaa garoomada sidaasi daraadeed Umtiti waxa loo diray isbitaalka Aspital ee dalka qatar si logu cilaajiyo cirbadaha loogu talagalay , 

 
sidoo kale waxa laga shaqeeyey in la xooiyo boogta jilibka uusaameeyey dhaawaca kadibna cilaajka dabiiciga ah lkn wuu fashilmay  xalinta mushkilada .

markii uusoo dhawaaday dhamaadka xili ciyaareedkaasi , waxa uu ciyaaraya  kulan waxa uu dareemaa xanuun isagoo ku noqda kursiga keydka , 

 
 

maciyaarin waxaan ka aheyn 15 kulan dhamaan xili ciyaareedka isagoo maqnaa 37 kulan , xili ciyaareedkii xigay isma badalin xaalada dhaawaca jilibkiisa ama caqliyadiisa ku fekerka inuu qaliin galo , dhaawaca jilib ka ayaa faafay, mushkilad kale ayaa aheyd dhaawaca cagta lugta kasoo gaaray , si waqtiyo uga maqnaado 81 cisho mana ciyaarin wax aan ka aheyn 18 kulan,

halka booskiisa uu dafay Kilimong linglet si ay gabaabsi usii noqto waayahiisa , xaaladiisa nafsi ahaaneed ayaa xumaatay Samuel oo kahadlay :-

“Qatar ayaan ku qaatay koobka aduunka anigoo dhaawacan lkn wa tartan la dhigo 4tiisanaba mar sidaasi daraadeed waan ku qasbanaa kama shalaaynayo wixii aan sameeyey waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ku saabsanaa dhaawaceyga fowdo ku abuuray maskaxdeyda magaranin go’aanka aan qaato lkn ugu dambeyn waxaan qaatay go’aanka ugu fiican aragtideyda”.

Xilli ciyaareedkii 2020–2021, Samuel Umtiti wuxuu mar kale seegay qeybta hore ee xilli ciyaareedka sababo la xiriira dhaawac dhanka jilibka ah. Markii uu soo laabtay, ma uusan guuleysan inuu helo boos joogto ah oo uu ka aciyaaro waqtigaas uukahoos ciyaarayey tababare Ronald Koeman.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkaas, Barcelona waxay isku dayday iney si kasta uga takhalusto ciyaaryahanka, balse way ku guuldareysteen maadaama aysan jirin dalabyo rasmi ah oo laga  keenay ciyaaryahanka, sababo la xiriira mushaarkiisa sare iyo taariikhda dhaawacyadiisa badan.

Arrintaas darteed, madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta wuxuu go’aansaday inuu kulan gaar ah la yeesho Umtiti. Intii uu socday kulankaas, Laporta wuxuu ku cadaadiyay Umtiti inuu si xor ah ku baxo ama la gaaro heshiis lagu kansalayo qandaraaskiisa. Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay ciyaaryahanka habka uu u maareeyay dhaawacyadiisa iyo hoos u dhaca ku yimid heerkiisa ciyaareed.

Laakiin Umtiti wuxuu si adag uga horyimid fikradda bixitaanka. Wuxuu ku dooday in kooxda caafimaadka ee Barcelona ay ku guuldareysteen inay helaan sababta dhabta ah ee dhaawaciisa ama xal rasmi ah.

Isagoo ilmo ka qubaneyso ayuu intaas ku daray in qalliimada la soo jeediyay in lagu sameeyo qaybta lafta ee  ay halis galin lahaayeen jilibkiisa, wuxuuna sheegay in xaaladdiisa ay ka soo wanaagsantay  kadib markii la dejiyay qorshe cusub oo gacan ka siiyay inuu dib u helo inta badan awooddiisa jireed.

Laporta markaas wuxuu go’aansaday inuu siiyo fursad cusub. Laakiin taageerayaashii kooxda waxay ku qeyliyeen waana lagu fooriyey  xilli ay socotay ciyaartii  koobka Joan Gamper, taasoo keentay in Koeman gabi ahaanba ka saaro qorshihiisa, iyadoo sidoo kale tababaraha xigay ee Xavi uu isla sidaas oo kale ula dhaqmay laacibka.

Intii uu socday xilli ciyaareedkii 2021–2022, Umtiti wuxuu ciyaaray hal kulan oo kaliya, isagoo sidoo kale dhaawac kale kala kulmay cagtiisa (jab ku yimid qeybta hoose ee lugta ).

Si uu u yareeyo culeyska dhaqaale ee qandaraaskiisa, Barcelona waxay go’aansatay inay cusbooneysiiso qandaraaskiisa ilaa xagaaga 2026, iyadoo mushaarkiisa hore lagu kala bixiyay sanadahaas, si kooxda ay ugu suurtagasho inay diiwaangeliyaan saxiixa Ferran Torres.

Ugu dambeyntiina, xagaagii 2022, Umtiti waxaa amaah loogu diray kooxda Lecce ee Talyaaniga. Markii uu ka tagay Camp Nou wuxuu warbaahinta ka yiri:

“Afar sano ayaan xabsi ku ahaa Barcelona, ma ahayn oo keliya dhinaca ciyaaraha, balse sidoo kale noloshayda maalinlaha ah. Xaalad xun ayaan ku jiray. Xitaa guriga kama bixi jirin, si aan uga fogaado dadka.”

Intii uu joogay Lecce, Umtiti wuxuu sameeyay bandhigyo ciyaareed oo aan xumeyn , balse si weyn uma aysan bedelin xaaladdiisa. Waxa uu halkaas ku la kulmay weerarro lagu cunsuriyeeyey , taasoo sii kordhisay dhibaatadiisii hore. Markii uu dhamaaday amaahdiisii Lecce, Umtiti wuxuu ku soo laabtay Barcelona.

Markaas, kooxda waxay go’aansatay inay si rasmi ah u kansasho qandaraaskiisa. Waxaa la gaaray heshiis labada dhinac ah oo Umtiti lagu siiyay €20 milyan oo euro, taasoo ka ahayd qeyb weyn oo ka mid ah mushaarkiisa haray, maadaama qandaraaskiisu sii socon lahaa ilaa 2026.

Ka dib, Umtiti wuxuu si xor ah ula saxiixday kooxda Lille ee dalka Faransiiska xagaagii 2023. Laakiin nasiib darro, ayuu mar kale wajahay  dhibaatooyin ku saabsan jilibkiisa. Bishii Febraayo 2024, wuxuu go’aansaday inuu mar kale u galo qalliin. Bishii Agoosto ee isla sanadkaasna, waxaa mar kale qalliin lagaga sameeyay isla jilibkaas.

Waxaa uu maqnaa hal sano oo buuxa, ilaa Febraayo 2025, balse markii uu soo bogsaday, wuxuu la kulmay dhibaatooyin kale oo la xiriira muruqyada iyo diyaargarowgiisa jireed. Ma uusan gaarin heer ciyaareed oo la aqbali karo, sidaas darteed ma uusan ka qeyb galin hal kulan xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Dhamaadka xilli ciyaareedkaas, qandaraaskiisa ayaa soo gabagaboobay , wuxuuna isaga tagay kooxda isagoo aan koox cusub helin. Waqtigan la joogo, Umtiti ayaa iska casilay gebi ahaanba kubada cagta , isagoo jira 31 sano.

waxa door biday  doorashadii uukacararaye inbadan waana iscasilaad iskana siibo kabaha kubada cagta si kama dambeys ah difaaca ugu fiican caalamka ilaa laacib aan cidina rabin oo 31 jir ah

Qisadan waxey na baresaa inaad noqoto mid walba qaata go’aanka saxda ee naftiisa bad baadin kara ee maaha mid dunida, dhaqaale ama wax lamdi ah ah ?


👉 Haddii adiga  Umtiti ahaan laheyd  maxaad samayn lahayd? Ma qaadan adan laheyd khatar  si aad ugu guuleysato Mondiyaalka dunida ? Mise waad geli lahayd qalliin waqti hore si aad ubad baadiso waayahaaga kubada cagta. ?

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga