Majaladda Faransiiska ah ee France Football ayaa toddobaadka soo socda shaacin doonta liiska ciyaartoyda u sharaxan abaalmarinta Ballon d’Or 2026, iyadoo tartanka sanadkan uu yeelan karo loollan aad u adag.
Liiska ayaa la filayaa inuu ka koobnaado 30 ciyaaryahan, kuwaas oo u tartami doona abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka, Sida ay sheegtay shabakadda Touchline, mid ka mid ah halbeegyada ugu muhiimsan ee lagu qiimeyn doono guuleystaha Ballon d’Or sanadkan wuxuu noqon doonaa saamaynta uu ciyaaryahanku ku yeesho kulamada waaweyn.
Taasi waxay ka dhigan tahay in bandhigyada ciyaartoyda ee kulamada muhiimka ah iyo marxaladaha go’aanka leh ay door weyn ka ciyaari karaan go’aaminta cidda qaadanaysa abaalmarinta, Loollanka Ballon d’Or 2026 waxaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara guulihii waaweynaa ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Xulka Spain ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka 2026, halka Paris Saint-Germain ay difaacatay koobka Champions League xilli ciyaareedkii hore iyadoo uu hoggaaminayay tababare Luis Enrique, Sidaas darteed, ciyaartoyda door weyn ku lahaa guulahaas ayaa heli kara fursad xooggan oo ay ugu tartamaan abaalmarinta.
Xiddiga PSG Ousmane Dembélé ayaa ahaa guuleystihii ugu dambeeyay ee Ballon d’Or, isagoo abaalmarinta qaaday sanadkii 2025 kadib xilli ciyaareed cajiib ah, Dembélé wuxuu door muhiim ah ka qaatay guushii PSG ee Champions League, taasoo si weyn u xoojisay fursaddiisa.
France Football ayaa lagu wadaa inay Talaadada soo socota shaaciso 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan Ballon d’Or 2026.
Xafladda abaalmarinta ayaa lagu qaban doonaa London, 26-ka Oktoobar 2026, Waxaa sidoo kale la shaacin doonaa musharraxiinta abaalmarinnada kale, oo ay ku jiraan ciyaaryahanka da’da yar ee ugu fiican, goolhayaha ugu fiican iyo weeraryahanka ugu fiican.
Sidoo kale, shan kooxood iyo shan tababare ayaa loo magacaabi doonaa abaalmarinnadooda, Ugu dambayn, indhaha taageerayaasha kubadda cagta ayaa hadda ku wajahan liiska 30-ka ciyaaryahan, iyadoo saamaynta kulamada waaweyn loo arko halbeeg muhiim ah oo go’aamin kara cidda noqon doonta Ballon d’Or 2026.
Be the first to comment