MURUGO :- Messi oo ku dhawaaqay inuu iscasilay & fariin qiiro & murugo leh ?

Halyeeyga kubadda cagta Lionel Messi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, isagoo soo afjaray safar taariikhi ah oo uu muddo ka badan 20 sano la soo qaatay xulka qaranka Argentina, Messi ayaa go’aankiisa ku shaaciyay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, isagoo sheegay in uu go’aankan qaatay kadib fikir dheer oo uu sameeyay, gaar ahaan kaddib guuldarradii Argentina ka soo gaartay Spain finalkii Koobka Adduunka 2026.

Xiddiga 39 jirka ah ayaa sheegay in go’aanku uu yahay mid qalbigiisa xanuujinaya, balse uu rumeysan yahay in la joogo waqtigii uu fursad u bannayn lahaa jiilka cusub ee ciyaartoyda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu mar walba u huray wax walba oo uu awoodo difaaca midabada Argentina.

Messi wuxuu uga mahadceliyay taageerayaasha, qoyskiisa, tababarayaashii iyo dhammaan saaxiibbadii uu la soo shaqeeyay, isagoo sheegay inuu hadda wixii ka dambeeya xulka ku taageeri doono sidii taageere caadi ah oo garoomada jooga.

Messi ayaa xulka Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka 2022, laba koob oo Copa América ah, wuxuuna xirfaddiisa caalamiga ah kusoo gabagabeeyay isagoo ah ciyaaryahanka ugu safashada badan uguna goolasha badan taariikhda Argentina, isagoo leh 207 kulan iyo 125 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga