LINE UP-KA Barcelona oo kulan adag la ciyaareysa kooxda Rayo, Shaxda Line Up-ka Barce

Kooxda Barcelona ayaa caawa sii wadanaysa ololaheeda horyaalka La Liga, iyadoo garoonka Spotify Camp Nou ku martigelin doonta Rayo Vallecano kulanka toddobaadka 3-aad ee xilli ciyaareedka 2026/2027.

Barcelona ayaa si xooggan ku bilaabatay xilli ciyaareedka, kadib markii ay 5-0 ku garaacday Elche iyo 2-0 ay kaga adkaatay Athletic Bilbao, taasoo siisay 6 dhibcood labadii kulan ee ugu horreysay.

Kooxda Hansi Flick ayaa caawa raadineysa guusheedii saddexaad oo xiriir ah, si ay ula dhibco noqoto Real Madrid, oo hoggaanka horyaalka ku haysa 9 dhibcood, kadib guushii 4-0 ay shalay ka gaartay Málaga.

Line-up-ka rasmiga ah ee Barcelona

Goolhaye:

  • J. Garcia

Difaaca:

  • Jules Koundé
  • Pau Cubarsí
  • Andreas Christensen
  • Gordon

Khadka Dhexe:

  • Marc Bernal
  • Pedri
  • Xavi Espart

Weerarka:

  • Lamine Yamal
  • Raphinha
  • Dani Olmo

Kursiga keydka

  • João Cancelo
  • Alejandro Balde
  • Fermín López
  • Wojciech Szczęsny
  • Adeyemi
  • Rodrigo
  • Gerard Martín
  • Eric
  • Fariñas
  • Abdelkarim
  • Éder Aller

Sidoo kale, ciyaaryahanka reer Masar Hamza Abdel Karim, oo ka tirsan kooxda Barcelona, ayaa ku jira liiska ciyaarta isagoo kursiga keydka ku jira.

Kulankan ayaa bilaaban doona 10:30 habeenimo waqtiga Bariga Afrika (EAT), iyadoo indhaha taageerayaashu ay ku wajahan yihiin Camp Nou si ay u arkaan haddii Barcelona ay sii wadi karto guulaheeda xiriirka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga