Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga weerarka ee Bradley Barcola, kadib markii ay heshiis kama dambeys ah la gaartay Paris Saint-Germain.
Barcola, oo 23 jir ah, ayaa Liverpool u saxiixay qandaraas muddo dheer ah, iyadoo Reds-ku ay doonayaan inay xoojiyaan weerarkooda kadib bixitaankii Mohamed Salah dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Liverpool ma aysan shaacin qiimaha rasmiga ah ee heshiiska, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in lacagta guud ay gaari karto €145 milyan oo ay ku jiraan gunnooyinka iyo waxyaabaha dheeraadka ah, Barcola ayaa muujiyay farxad weyn kadib markii uu ku biiray Liverpool, isagoo sheegay in ciyaarista kooxda ay tahay sharaf weyn.
Bradley Barcola is a Red.
Allez Les Rouges. pic.twitter.com/Z8eQY71dgQ
— Liverpool FC (@LFC) August 31, 2026
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu muddo sugayay in wada-xaajoodyadu dhammaadaan, isla markaana hadda uu doonayo inuu garoonka galo oo uu kulamada u ciyaaro Liverpool, xiddiga Faransiiska ayaa sheegay in hamigiisa ugu weyn uu yahay inuu Liverpool kula guuleysto Premier League, isagoo doonaya inuu muddo dheer ku sii nagaado kooxda.
We are delighted to announce we have completed the signing of Bradley Barcola from Paris Saint-Germain, subject to international clearance 😁🇫🇷
🔗 https://t.co/tlATpsWclC pic.twitter.com/CUC3DPYlj9
— Liverpool FC (@LFC) August 31, 2026
Barcola ayaa sidoo kale ka hadlay Anfield, isagoo sheegay inuu hore laba jeer uga ciyaaray garoonka, isla markaana uu si gaar ah ula dhacay jawiga taageerayaasha Liverpool, Barcola wuxuu Liverpool u xiran doonaa lambarka 29, kaas oo uu sidoo kale ku xirnaa intii uu joogay PSG, ciyaaryahanku wuxuu awoodaa inuu ka ciyaaro garabka bidix, garabka midig iyo weeraryahanka fake ah, taasoo siinaysa tababaraha Liverpool fursado badan oo dhanka weerarka ah.
“It’s a great pride to be able to play for Liverpool. I’m very happy.” 🗣️❤️ pic.twitter.com/6Dl9zYSkCt
— Liverpool FC (@LFC) August 31, 2026
Barcola ayaa PSG joogay muddo saddex sano ah, waxaana uu kooxda kula guuleystay koobab badan, iyadoo warbixintu xustay inuu kamid yahay ciyaartoyda kula guuleystay Champions League, saxiixan ayaa Liverpool siinaya hub cusub oo weerarka ah, iyadoo Barcola laga filayo inuu door weyn ka qaato qorshaha Reds ee xilli ciyaareedka cusub.
BB29 💫 pic.twitter.com/zOxGdxNIji
— Liverpool FC (@LFC) August 31, 2026
Be the first to comment